HAMABLYO, HAMBALYO
Higsiga Cusub
ee Jaamacadda Gollis
Waxa wax lagu obsado ah(farxo ah) inaan maanta oo ay
bishan Sibtambar tahay 30, 2020ka u dabbaaldegeyno
sannad guuraddii 15aad ee ka soo wareegtay maalintii
dhidibbada loo aasay Jaamacadda Gollis.
Waxaanay ammintaa Jaamacaddu
ku guulaystay inay soo saarto
aqoonyahanno
isugu jira dhawr aag sida Injiinneerro, Dhakhaatiir kuwa
dadka iyo kuwa duunyadaba isugu jira, Garyaqaanno, iqb.
15ka gu’ ee foodda innagu soo hayana, waxay
Jaamacadda Gollis higsanaysaa, awooddeeda saari
doontaa sidii ay uga qayb qaadan lahayd barashada,
hirgelinta, horumarinta iyo weliba
Soomaaliyeynta
aqoonta
(cilmiga) qaybihiisa kala duwan.